Ciidamada Qalabka sida oo la wareegay Degmada Ceelbuur

0
907

Ciidamadaxooga2Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Maxamed Cabdi Maxamed oo la socda ciidamada ayaa soo sheegay in ciidamadu ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen magaalada, isagoo xusay in ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah oo ay ku baadi goobayaan haraadiga Al-Shabaab.

Magaalada Ceelbuur ayaa la sheegay inay ka midtahay magaalooyinka ay Shabaabku ka qaateen matooradii ceelasha, taasi oo keentay in bulshada intooda badan ay magaalada isaga cararaan, iyagoo kuwa qaarna ay saameyn ku yeelatay biyo la’aanta magaalada ka jirta, waxaana jirta in dadkii ka qaxay magaalada ay ku suganyihiin duleedka magaaladaasi iyo tuulooyinka kale ee hoos yimaada.

Radio Muqdisho