Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Fiidoow oo dhaca xadka kala qeybiyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Shabaab iyagoo la wareegay deegaanka Fiidoow, iyadoo dadka deegaankaasi ay sanado kadib dareemeen neecawda xoriyadda, iyadoo ciidamaduna ay baaritaanno ka wadaan gudaha magaaladaasi.
Ciidamada ayaa ku sii wajahan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana la filayaa iney saacadaha soo socda la wareegaan degmadaasi oo muhiimad gaar ah u leh howlgalka dalka looga xoreynayo Shabaab, sababtoo ah buundada jalalaqsi ayaa ah halka narinka u aheyd oo ay isaga gudbi jireen kooxda Shabaab ee haraadiga ku ah gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.
Dhanka kale ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Cadale iyo Raaga Ceelle, kadib markii ay laba jaho uga kala dhaqaaqeen degmada Warshiikh, iyadoo la filayo iney saacadaha soo socda la wareegaan degmada Cadale ee dhacda Xeebta iyo deegaanka caanka ah ee Raga Ceelle.
Radio Muqdisho