Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaal khasaaro sababay uu maanta Ka dhacay Jaamacadda Magaaladaasi Kismaayo.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib weerar Kooxo Hubeysan ay ku qaadeen Xarun Ciidamada Sera Leon ee qeybta ka ah Howl galka AMISOM ay ku leeyihiin Jaamacadda Kismaayo.
Lama Shaacin Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi maanta Ka dhacay Magaalada Kismaayo.