Dagaal Mar kale Ka dhacay Magaalada Baydhabo

0
976
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in Barqanimadii Maanta markale halkaas uu dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyo Hubeysan ay Magaalada Gudaheeda ku weerareen Gaari Runeed ah oo mid ka mid ah Maamulada halkaasi isku haya ay leeyihiin.

Dhanka kale Xaalad kacsanaan ah ayaa iminka waxa ay ka jirtaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Shalay ayaa halkaasi waxaa ku dagaalamay Maleeshiyaad kala taabacsan Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunow oo sheegtay Madaxweynaha 6 Gobol oo dhaca Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shabelle