dagaalWararka aan ka heleynop Duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in saaka halkaasi dagaal Culus uu ka qarxay oo u dhexeeya Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa Ururka Al Shabaab.
Dagaalkaan ayaa daba socda kadib dagaal shalay ka qarxay isla meesha haatan lagu dirirayo ee duleedka ka xigta Degmada Buurdhuubo oo ay Maamulaan Al Shabaab.
Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan ayaa waxa ay ka soconayaan Gobolka Gedo waxaana wararku ay sheegayaan in Ciidaanka Ethiopia oo ka yimid Degmada Garbahaareey ay ku wajahnaayeen Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo Al Shabaab ay gacanta ku hayaan halkaas oo ay qorsheynayaan in gacan ku heynteeda ay la wareegaan.
Wararka ayaa sheegaya In deegaan Lagu Magacaabo Qorof oo 18 KM dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Buurdhuubo uu dagaalku ka socdo.
Inkastoo dagaalka weli halkaasi uu ka soconayo hadana warar horudhac ah oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow aan la cayimin.
Shabelle