Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaaasoo fariisin ay ku lahaayeen AMISOM ay weerareen dagaalyahanada Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo halkaas ka socday, lana is weydaarsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, hase ahaatee si dhab looma oga qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.
Dagaalyahanada Shabaab ayaa u daba-maray Janaale oo ka mid aheyd goobihii ay ka soo duuleen ciidankii qabtay degmada Qoryooley, waxaana dadka deegaanka ay sheegene in xalay la is weydaarsaday hub cul culus.
Al-Shabaab ayaa xeeladooda dagaal u bedelay ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyagoo weerara fariisimaha ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaanada qaar ee lagala wareego.
Dhinaca kale Xaalada degmada Qoryooley oo ay shalay qabsadeen ciidamada ayaa degan, iyadoo degmada ay ka barakaceen dad fara badan, waxaana intii dagaalada shalay socdeen jiray madaafiic ku dhacay xaafadaha oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Howl galada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ee ay wadaan ciidamada huwanta ayaa ku wajahan deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin gobolkaas, waxaana soconaya dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u ballaaran.
Jowhar