Degmada Buulobarde ee ay la wareegeen Ciidamada Huwanta ah oo degan

0
1342

Waxaa Saaka degan Xaaladda Degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan o gelinkii dambe ee shalay ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararka laga helayo Degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xalay degmada Gudaheeda ay ka dhaceen qaraxyo kala duwan kuwaas oo mid ka mid ah uu ka dhacay Saldhiga Degmada inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Saaka ayaa adeegyada guud ee Bulshada uu caadi ku soo noqday Degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan.

Degmada Buulobarde oo ah Degmooyinka istiraatiijiga ah ee ay horay gacanta ugu hayeen dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa ka mid noqoneysa tiro degmooyin ah oo laga fara maroojistay gacan ku hayntooda Ururka Al Shabaab.

Shabelle
BakoolCiidanDowlada