Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre oo u warramayay Idaacadda VOA-da ayaa ka digay qas iyo dhibaato ka dhacda Magaalada Baydhabao.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka gadaal markii shalay Magaalada Baydhabo mid ka mid ah Shirarkii ka socday Madaxweyne loogu doortay Madoobe Nuunow Max’ed Maamulka uu matalayana la sheegay in uu dhaawac ku yahay heshiisyo ay dowladda horay u soo gashay.
“ Madoobe Nuunow waa Siyaasi Soomaaliyeed oo Muctaraf ah laakin ilama qumana waxa uu sameeyay waayo dowladda Gobollada Maamulka uu sheegay in uu hoggaan u yahay ka kooban yahay qaarkood waa kuwii aan kula heshiinay Maamulka KMG ah ee Jubba” ayuu Yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.
Si kastaba Shir Looga hadlayay Maamul u sameynta illaa 6 Gobol ayaa shalay loogu doortay Madaxweyne Mudane Madoobe Nuunow oo isagu xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii dalka soo maray walow Gobollada Maamulkiisa uu ku Magcaabanyahay qaarkood uu ka arrimiyo Maamulka KMG ah ee Jubba ee isagu fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.
Shabelle