Faah faahin ka soo baxaya weerar ismiidaamin xalay lagu qaaday Buulo Burde

0
1245

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday Hotel ku yaala degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, kaQaraxMuqdisho1asoo ay degenaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ciidan.

Sida ay sheegayaan wararka weerarka lagu qaaday Hotelka ayaa yimid markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu bartilmaameedsaday Hotelka oo lagu magacaabo Cumarow oo ku yaala Bartamaha Buulo Burde.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarkan oo la sheegayo in dad ku dhow toban ruux ay ku dhinteen oo ay ku jiraan mas’uuliyiin, inkastoo wararka ay yihiin kuwo isa soo taraya.

Qaraxa ismiidaaminta kadib ayaa waxaa dhacay iska hor imaad toos ah oo rag hubeysan ay hotelka ku qaadeen kadib qaraxa, waxaana la soo sheegayaa in dadka dhintay inuu ku jiro nin turjubaan u ahaa Ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay, xilli saq dhexe ah oo ay ciidamada iyo saraakiisha ay hurdayeen, iyadoo gaari oo la sheegay in xowli ku socday in markii hore rasaas lagu riday.

Isbitaalka degmada Buulo Burde ayaa la dhigay dhaawacyada ilaa sideed ruux oo ay ku jiraan Ciidamada Jabuuti.

Weerarkan ayaa noqonaya kiiu horeeyay noociisa oo lagu qaado Buulo Burde, tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM khamiistii la soo dhaafay la wareegeen.

Jowhar