Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmadaas labo boobay labo baabuur oo mucaawino siday, kaasoo loogu tala galay dadka danyarta ee ku dhaqan deegaankaas.
Sida ay sheegayaan wararka raashinkan mucaawinada oo ay dirtay Hey’adda WFP ayaa la sheegay inay boobeen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha deegaanka Janaale.
“Labo baabuur oo macal rimoorkooda ahaayeen oo raashin mucaawio ka timid WFP, waxaa loogu tala galay dadkii masaakiinta ahaa ee Janaale ku sugnaa, waxaana boobay cidii wadatay iyo Milateriga”ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka Janaale Maxamed Idiris.
Waxaa uu sheegay inay nasiib daro aheyd in raashiin dad masaakiin loogu tala galay la boobo, waxaana uu xusay in ay ku wargelinayaan arrintan dowladda Dhexe, si ay deg deg wax uga qabato.
“Halkan wax nidaam oo ka jiro ma ahan, Milaterigii ayaa boobay raashiinkii gar-gaarka ahaa, waxaa ku wargelineynaa dowladda”ayuu yiri Maxamed Idiris.
Ma ahan markii u horeysay ee la leexsado raashin gar gaar loo waday qaar ka mid ah deegaanada gobolada dalka, iyadoo mucaawino dhowr aheyd oo horay loo waday deegaano ka tirsan Shabelaha Dhexe sidan loo leexsaday.
Jowhar