Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maqribnimadii caawa gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku biiray wafdiga ka socda Dowladda oo saakay gaaray Beydhabo islamarkaana uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kulamo caawa ay kula leeyihiin halkaasi qeybaha kale duwan ee bulshada oo ay ka wada hadlayaan horumarinta gobolada koonfur bari Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo goor dhaweyd u waramay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulamada Beydhabo caawa ka socda, ayaa waxa uu sheegay in labada mas’uul ay kulamo la leeyihiin qeybaha kale duwan ee bulshada islamarkaana si wanaagsan ay u socdaan kulamadaasi.
Radio Muqdisho