Guddoomiye Muungaab: ” Guddoomiye Degmo , Mid waaxeed iyo shacabka intaba hawada shaqeeyeen”

0
1023

Muungaab20140303_1Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaalada Muqdisho Mudane Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa waxa uu ka dhawaajiyay Madaxda Guddoomiyayaasha ka ah Gobolka Banaadir looga baahan yahay in qeybaha kala duwan ee shacabka ay la sameeyaan wada shaqeyn buuxda si uu u hagaago Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Maamul kasta degmadiisa.

Sareeyo Guuto Muungaab ayaa tibaaxay in aysan habooneen in Lakala qoqobnaado ee ay ka wanaagsan tahay wada shaqeyn ka soo billaabaneyso Guddoomiye degmo, Mid waaxeed illaa Shacabka sida uu yiri Muungaab.

Guddoomiye Muungaab ayaa waxaa Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir Maalmihii dambe loogu sameynayay Munaasabado lagu soo dhaweynayo qabashada Xilkaan loo dhiibay ee uu hormuudka ugu noqon doono guud ahaan Gobolka Banaadir ee ay dhacdo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Shabelle