Gudoomiye Ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyey geerida Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aas aasayaashii fanka Banaadiriga‏

0
1253

JeylaniNurIkar20140301_5Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aas aasayaashii fanka Banaadiriga.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi uga diro anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Allaha u naxariistee Xaaji Iikar Leeb oo ay shacabka Soomaaliyeed aad u wada yaqaanaan ,gaar ahaanna bahda fanka”

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa tacsi gaar ah waxa uu u diray ehellada iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Xaaji Iikar Leeb,si la mid ahna waxa uu tacsi gaar ah ugu diray bahda fanka waxaana uu Alle uga baryey inuu naxariistiisa jano siiyo marxuumka ehellada iyo qoyska uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aas aasayaashii fanka Banaadiriga ayaa waxa uu ku geeriyooday degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir waxaana lagu xasuustaa Ruwaayado badan oo ka mid ah fanka Banaadiriga.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN