Gudoomiyihii Afgooye oo xilka laga qaaday

0
1405

AfgoyGudoomiyihii degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa xilka laga qaaday, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha DF.

Xubnaha xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah, guddoomiyihii degmada Afgooye, C/llaahi Cabdi Axmed (Iidey), guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada, Mahdi Axmed Xasan, xoghayaha dowladda hoose iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulka degmada.

Waxaa lugu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha in xilka qaadista mas’uuliyinta loo cuskaday arrimo ay ka mid yihiin muhiimada ay uleedahay degmada in isbadal lugu sameeyo,halka la sheegay in xilka qaadistan ay qeyb ka tahay dadaallada ay wasaaraddu ku doonayso in xasilooni laga gaaro ammaanka.

Sidoo kale waxaa amar lugu siiyey dhammaanba mas’uuliyinta xilka laga qaaday in xilalkooda ku wareejiyaan xubnaha cusub ee la magacaabay,waxaan arrintan la faray inay dhaqan galiyan guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo laamaha ammaanka.

Wareegtada xilka looga qaaday maamulka degmada Afgooye,waxaa sidoo kale xilalka loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Afgooye iyadoo loo magacaabay, Xaaji Gaabow, ku-xigeenka degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Xuseen Jibriil, halka madaxa dowlada hoose loo magacaabay Cismaan Carab.

Midnimo