Gudoonka Baarlamaanka oo u yeeray Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, kadib mooshin laga keenay

0
936

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_2Mooshin loogu yeerayo Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa maanta laga aqriyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Gudoonka uu si rasmi ugu dhawaaqay in Labada Wasaaradood loo yeeray ay hor yimaadaan Baarlamaanka.

Fadhigii maanta oo ahaa kii koowaad kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 144 xildhibaan, waxaana shir gudoominayay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxaana ajandaha uu ahaa miisaaniyada sanadeedka 2014 ee ay Xukuumada soo gudbiyay.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in mooshin ay soo saxiixeen 15 Xildhibaan ay ku codsadeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay hor yimaadaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo Arrimaha Amniga dalka halka uu marayo, howlaha maamul u sameynta iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

“Waxaa i soo gaaray mooshin ay saxiixeen 15-xildhibaan ay ku codsanayaan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka inay hor yimaadaan Baarlamaanka”ayuu yiri Prof. Jawaari oo aan sheegin mudada loo qabtay.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyayqeybiyay miisaaniyada sanadka 2014 oo ka badan tii Xukuumadii hore, waxaana xildhibaanada ku soo aqrisanayaan muddo 24-saac.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in miisaaniyadan ay tahay mid aad u muhiim ah, isagoo amray in 1-da April aan wax lacag ah laga bixin karin qasnada dowladda, inta laga soo maareynayo miisaaniyadan.

Ugu dambeyn waxaa maalinta berri hor imaanaya Baarlamaanka Wasiirka Maaliyada, si uu u cadeeyo miisaaniyadan, una faah faahiyo, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada ay dood kulul ka yeeshaan.

Jowhar