Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgall ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Baaritaanadan laga sameeyay Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa waxaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku soo qabteen ku dhawaad 500 oo Ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay falal ka baxsan amaanka.
500 ee lagu qabtay howlgalkii Xalay ayaa la isugu geeyay Saldhiga Degmada Wardhiigley halkaasi oo lagu kala saarayay iyadoona Saldhiga uu yimid Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.
Markii la kala saarayay Dadkii la soo qab qabtay ayaa waxaa goobjoog ahaa Muungaab Duqa Magaalada Muqdisho iyadoona 25 ka mid ah 500 ee la soo xiray loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Muqdisho kadib dambiyo lagu helay.
475 kale ayaa la iska fasaxay baaritaano kala duwan kadib waxaana la sheegay in 25-ka loo gudbiyay Xabsiga dhexe lagu helay falal amaanka lidi ku ah iyo la xiriirinta Ururka Al Shabaab oo Qaraxyo ka fuliya Magaalada Muqdisho.
Warkii