Iska hor’imaad Magaalada Baydhabo oo uu gaaray Xildhibaan Shariif Xasan Ka dhacay

0
814

baydhabo3Iska Hor’imaadkaan oo ka dhacay Iridka Hore ee Garoonka Magaalada Baydhabo ayaa dhexmaray Ciidamo daacad u ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Sidoo kale Maleeshiyo ka amar qaata Madaxweyne Dhawaan isku Magacaabay Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Madoobe Nuuow kaas oo sheegay in 6 Gobol uu Madaxweyne ka yahay.

Markii ay soo caga dhigatay Magaalada Baydhabo Diraad Muqdisho ka qaaday Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi Xildhibaanno ah iyo Sidoo kale Odayaal iyo Waxgarada ka soo kala Jeeda Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weerar ku soo qaaday Maleeshiyaad ka amar qaata Madoobe Noonow.

Inta la ogyahay waxaa iska Hor’imaadkaas ku geeriyooday Labo Askari oo ka mid ahaa Maleeshiyada dirirtay sida Wariyaheenna Axmed Cabdi Xasan oo ku sugan Magaalada Baydhabo uu xaqiijiyay.

Kadib Xiisadaasi ayaa waxaa soo kala dhex galay Maleeshiyaadka dagaalamayay Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia xilli qaar ka mid ah Maleeshiyaadka ay diidanaayeen in ay soo dagto diyaaradda siday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Inkastoo Maleeshiyaadka diriray la kala dhex galay hadana waxaa xaalad kacsanaan ah gashay Magaalada Baydhabo hayeeshee Ciidamada Ethiopia ayaa billaabay Howl gallo xoogan oo ammaanka Magaalada lagu adkeynayo iyadoo fariimo cul culusna la sheegay in loo diray dhinacyada Siyaasad ahaan is haya si xaaladda Amni ee Magaalada loo dajiyo.

Si kastaba Banaanbaxyo iska soo horjeed oo qaarkood lagu taageerayay imaanshiyaha Magaalada Baydhabo ee Shariif Xasan iyo kuwa kaloo looga soo horjeedo ayaa waxa ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo walow ay hakiyeen dibad baxyadaasi Ciidamada Ethiopia.

Dhawaan ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo Gudaheeda looga dhawaaqo Madaxweyne Matalaya illaa Seddex Gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose , Bay iyo Bakool.

Shabelle