Waxaa magaalada Muqdisho laha furay shalay dugsiga taqasusiga ah ee caafimaadka bulshada ee jaamacada Banaadir oo ay iska kaashadeen Jaamacadaas iyo Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha oo labaduba ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn geeska Afrika.
Munaasabad lagu furayey iskuulkan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen madaxda ardayda, macalimiinta Jaamacada Banaadir, dhaqaatiir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Waxaa lagu soo bandhigay munasabada manhajka loogu talo galay in la baro ardayda iskuulkan dhiganeysa mudada labada sano ah ee ay ku jiraan, kaasoo macalimiintii halkaas ka jeedinayey ay sheegeen inuu yahay mid sareeya oo la jaanqaadaya manhajyada caalamiga ah.
Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah asaasayaasha iyo masuuliyiinta Jaaamacada Banaadir, dhinaca kalena ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Somalia oo munasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka dugsigan.
“Waxaan maanta ka imid Ugandha oo aan uga soo qeyb galay shir, xalay waxaan wada casheynay madaxda iyo macalimiinta jaamacada Makarere qaarkood, dhamaantood waxay ku farax-sanaayeen hambalyana u soo direen furitaanka iskuulkan” ayuu yiri Prof. Dufle.
Waxaa uu sheegay in talaabada lagu furay dugsiga taqasusiga ah ee caafimaadka bulshada ay tahay mid muddo dheer dedaalkeeda uu soo socday juhdi badana la geliyey taasoo uu sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay, isagoo u mahad celiyey maamulka sare ee Jaamacada Banaadir oo dedaal badan ku bixiyey hirgelinta arintan sida uu yiri.
“Dugsiga taqaqusiga caafimaadka Jaamacada Banaadir waa kii labaad ee Jaamacada Banaadir ay sameyso iyadoo sanad ka hor hirglisay dugsiga taqasusiga qaliinka oo ay naga caawiyeen walaalaheen Turkiga kuliyadaha kalena waxaana socda dedaalo loogu sameynayo dugsiyada taqasusiga ah” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo u mahad celiyey Jaamacada Makarere ee dalka Ugandha oo gacan ka geysaneysa duruusta ku baxeysa iskuulka.
Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabadaas gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo sheegay in furitaanka dugsiga taqasuska caafimaadka aysan si sahal ah ku iman balse la geliyey waqti maskax iyo dhaqaale, isagoo xusay in furitaanka dugsigan ay la kaashadeen Jaamacada Makarere ee dalka Ugandha, lana diyaariyey xaruntii dugsiga macalimiin iyo wax kasta lagama maarmaan u ah iskuulkan taqasusiga ah.
“Waxaan ugu bishaareynayaa ardayda wax ka baran doonta dugsiga taqasusiga caafimaadka bulshada iney heli doonaan marka ay dhameystaan shahaado ay si wadajir ah u bixinayaan Jaamacadaha Makerere iyo Banaadir, anagoo weliba codsaneyna in Makerere ay mid gaar ah bixiyaan anagana mid gaar ah si ardayga u helo sadex shahado oo master Public ah” ayuu yiri gudoomiyaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Dalmar sheegay in barashada taqasuska caafimaadka bulshada baahi badan looga qabo wadamada Afrika, isagoo xusay in dhaqaatiirta ku taqaqustay ay ka wax qabad iyo saameyn badan yihiin kuwa kale ee caadiga, wuxuuna tilmaamay in caafimadka bulshada uu yahay halka ay iska dhex galaan dhaqaatiirta iyo bahda kale ee caafimaadka.
“Waxaan ugu baaqayaa dadka iney ka faaideystaan fursadan ayna bartaan taqasuska caafimadka bulshada (Public health) oo runtii faaiido badan u leh bulshada, waan soo bartay aniga runtii wuxuu ii furay indhaha, duruusta dugsigan waxay bixi doontaa labada maalin ee todobaadka u dambeeya khamiista iyo Jimcaha, waxaana jiri doona seminaro gaagaaban oo lagu tegi doono Jaamacada Makerere iyo meelo kale lacagta yar ee laga qaado faaiido ka badan ayaad ku heleysaa” ayuu yiri Dr. Dalmar oo ku dhaaraaday maadadan, waxyabaha laga dhaxli karo iyo Jaamacado kale oo ay la kaashan doonaan.
Gudoomiyaha mu’asasada Jaamacada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in jaamacada Banaadir ay u tahay maalin weyn oo la hirgeliyey wax ay muddo ku taameysay oo ah iskuulka taqasuska caafimaadka ee Jaamacada, wuxuuna faalo dheer ka bixiyey faaiidooyinka taqasuska caafimadka bulshada, iyadoo sidoo kale munaasabadas uu ka hadlay diiwaan hayaha jaamacada Banaadir Ismaaciil oo halkaas ku soo bandhigay shuruudaha laga rabo ardayga doonaya inuu ku soo biro iskuulka taqasuska caafimadka bulshada ee Jaamacada Banaadir.