Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jen, Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa khudbadii u horeysay oo uu uga hadlayo waxqabadkiisa jeediyay, isagoo xusay in marka uu xilka la wareego uu si rasmi ah qorshihiisa u soo bandhigayo.
Jen. Mungaab ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad ballaaran lagu soo dhoweynayay oo ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saarayo sidii bulshada talaeeda u qaadan lahaa, isgaoo ka codsaday inay taageero la garab-taagnaadaan,
“Waxaa hubaa hadaad balan qaad ii sameysaan oo aad i taageertaan in magaalada Muqdisho eebow bur iyo biyo loo kala bixi doono, sidii aan u xasilin laheyn”ayuu yiri Jen, Mungaab oo hadaladiisa ay ahaayeen kuwo ad adag oo uu diirada ku saarayay xaaladaha ka jira Muqdisho ee dhinaca amniga ah.
Jen. Mungaab oo sii hadlayay ayaa yiri “Waqooyiga Muqdisho hada waa degenahay, deg la igula dar daarmi maayo deg, muddo labo sano ayaa degenaa, Kaaraan ayaa ka soo toosaa cid kasta waa taqaan meesha deganahay, Koofur waa deganahay, Bariga waa degi doonaa, maxaa yeelay waa godod badanahay, aniga taageeradiina codsanaa”
“Waraabe godkiisa loogu galaa aniga meelo fog waa degaa, meelaha bahala galeenka loo yaqaano waa degaa, Aniga Mayorkii dhana ahay, waaba igu waajib inaan meelaha fog dego, ee Madaxtooyada hoosta ka galaa wasiiradana ha soo baxaan idin dhihi maayo, waa idin bilaabaa”ayuu yiri Jen. Muungaab.
Munaasabadan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu soo dhoweynayay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa aheyd tii ugu ballaarneyd ee lagu taageero Jen. Mungaab.