Kenya oo sheegtay in Afhayeenka Al Shabaab uu u geeriyooday Dhaawac ay u geysteen

0
852

ShabaalCaliDheereAfhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa xaqiijiyay in Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaano Sheekh Cali dheere uu u geeriyooday Dhaawac ay soo gaarsiiyeen Diyaaradaha Dagaalka Kenya.

Chirchir ayaa bartiisa Twitterka war uu soo dhigay ku sheegay in Weerarka ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ku qadeen deegaanka Birta dheer uu bartilmaameedkiisu ahaa Amiirka guud ee Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubayr lakiin uu kaga badbaaday Nasiibkiisa uuna muda yar ka hor ka tagay goobta la duqeeyay oo uu ka socday Kulan xil kala wareejin loogu samaynayay Hogaamiyaal Al-Shabaab ka tirsan.

Illaha Milatariga Kenya ayaa sheegaya in Weerarkaasi ay ku dileen 30 Abaanduulayaal sar sare ah oo ka tirsan Xarakada Shabaab oo uu ku jiray Hogaamiye ka soo jeeda Magaalada Garissa ee Gobalka Waqooyi Bari oo lagu Magacaabo Gacma dheere oo sida Kenya sheegtay Masuul ka ahaa Weeraro Bombaanooyin loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Kenya gudihiisa.

Kenya ayaa intaasi ku dartay in 6 kale oo Hogaamiyaal ajaaniib ah oo uu ka mid yahay Nin lagu Magacaabo Cabdullahi Cali oo loo yaqaano Caynte ay ku dhinteen isla Weerarkaaas ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen Soomaaliya ee Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali dheere uu ku dhaawacmay ugu danbayna u geeriyooday Sida dowladda Kenya ay sheegtay.

Emmanuel Chirchir Afhayeenka Milatriga Kenya ayaa ku tilmaamay January 10 in ay tahay Maalintii ugu muhiimsanayd oo Kenya soo marta inta ay joogeen Soomaaliya ayna la dagaalamayeen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Xarakada Al Shabaaab ayaa ah Kooxdii sheegatay Weeararkii lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee ku taala dalka Kenya ee Westgate Mall halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 61 qof ayna ku dhaawacmeen 240 qof oo kale.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere ) ayaa ka hadlay weerarkii 21 Feb 2014 ka dhacay Villa Soomaaliya ee ay Masuuliyaddiisa sheegteen Ururka Al Shabaab.

Shabelle