Kenya oo xirtay labo nin kaddib markii bambooyin ‘laga helay gaari ay wateen’

0
881

MombasamombBooliska magaalada Mombasa ayaa sheegay inay xireen labo qof oo watay gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Labada tuhmane, oo mid Kiinyaan uu yahay halka kan kalena uu Soomaali yahay, ayaa qorsheynayay inay weeraraan bar-tilmaameed aan la sheegin, booliska ayaa yiri.

Sarkaal ka tirsan waaxda dambi-baarista Mombasa oo lagu magacaabo Henry Ondiek ayaa sheegay inay xarigga sameeyeen kaddib markii ay heleen xog ku aaddan in gaariga ay saaran yihiin rag xiriir la leh kooxaha argagaxisada.

Henry wuxuu sheegay inaanay wali xaqiijin goobta la bar-tilmaameedsan rabay, balse wuxuu sheegay inay gaariga ka soo saareen labo bambooyinka macmalka ah iyo taleefoonka gacanta.

Sebteembar-tii la soo dhaafay, weerar kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 67 qof.

Bar-kulan