Kulan looga hadlayay wacyi gelinta dhalinyarada oo maanta lagu qabtay degmada Yaaqshiid

0
867

Dhalinyaro20140310Kulan looga hadlayay wacyi gelinta dhalinyarada in aysan u nug-laanin marin habaabinta fikradaha xagjirnimo ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Yaaqshiid, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Maamulka degmada, Taliska Booliska, Ururada dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo kan degmada.

Hey’adda wada hadalka bulshada ee CCD oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa ujeedkiisa ahaa sidii dhalinyarada sidii dhalinyarada aanay fikradaha qaldan lagu marin habaabin, waxaana khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus.

Muxiyadiin Jurus ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay kala shaqeeyaan ciidamada sugida amniga iyo ka hortaga falalka amni daro, sida qaraxyada iyo dhalinyarada, waxaana uu dhalinyarada ku tilmaamay madaxda berrito.

“Waxaa muhiim ah in dhalinyarada iyo maamulka degmada ay wada shaqeyn dhex marto, dowladnimada waa dadka, dhalinyarada waa madaxda berri”ayuu yiri Muxiyadiin Jurus.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada inay soo sheegaan dadka falalka amni daro wada, waxaana uu ugu baaqay inay joogteeyaan kulamada iyo is dhex galka bulshada, si loo wacyi gelinayo dhalinyarada la qalday.

“Danteena guud waa inaan nabadgelyada ka shaqeyno, soo sheega kuwo miinooyinka dhigaya, kuwa bastooladaha dadka ku dila, yaanay na cabsi gelin, hadaan la is kaashan oo aan u istaagin adkeynta amniga waxba ma noo qabsoomayaan”ayuu sii yiri Jurus.

Taliye kuxigeenka saldhiga degmada Yaaqshiid Cabdulle Ibraahim Gacal ayaa sheegay in booliska uu u adeego shacabka, sidaas darteed shacabka looga baahan yahay inay ciidamada ku gacan siiyaan sugida amniga.

“Shabaab shacabka ayay ku dhex milmeen, meel ala meeshi aad ku aragtaan soo sheega, kuwa guryaha ku jira hala soo saaro, hey’adaha amniga ha loo soo sheego shaqada booliska waxay ku jirtaa rabitaanka shacabka”ayuu yiri Taliye kuxigeenka saldhiga booliska degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada degmada Yaaqshiid C/llaahi Raage ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada iyo wacyi gelinta, isagoo ugu baaqay waalidiinta in caruurtooda ku koontaroolaan waxbarashada.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dhalinyarada isku weydaarsadeen talooyin iyo fikrado wax ku ool ah oo la xiriiray horumarinta bulshada, wacyi gelinta iyo is dhex galka bulshada, si loo abuuro dhalinyaro nadiif ka ah dhibaatooyinka iyo colaadaha dalka ka jira.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha qeybta Haweenka ee CCD Sahro Maxamed Amiin ayaa ku amaantay dhalinyarada sida ay u muujiyeen biseyl inta uu dood cilmiyeedka socday, waxaana ay xustay in dhalinyarada tiirka bulshada iyo mustaqbalka dalka.

Jowhar