Laamaha Ammaanka Mareykanka oo dhageystay Tellfoonka Madaxweyne Xasan Sheekh

0
964

WhiteHouseXilli ay soo ifbexeysay Muddooyinkii dambe Fadeexado la xariira in dowladda Maraykanka in ay dhagaysato Tellfoonadda Hogaamiyaal ka tirsan wadamada Caalamka ayaa xiligani waxaa soo baxa Warar sheegaya in Tellfoonka Madaxeeynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxmuud ay dhagystaan Laamaha Ammaanka dalka Maraykanka ee Loo yaqaan National Security Agency ( NSA).

Wargays ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa daabacay Warbixin aad u dheer oo sheegeysa in Madaxweynayaasha Soomaaliya, Peru iyo Belarus la dhagaysto Tellfoonaddooda ayna dhagaystaan Laamaha Ammaanka Maraykanka ee loo yaqaano NSA

Nin u dhashay dalka Maraykanka oo horay ula shaqayn jiray Laanta Sirdoonka Maraykanka ee NSA-da ayaa dusiyay Boqolaal Decumentiyo sir ah oo la xariira Basaasnimadda ay Sirdoonka Maraykanka ku hayaan Hogaamiyaasha Caalamka iyo dad badan oo Shacab ah intaba.

Edward Snowden ayaa kadib markii uu shaaciyay Sirta Maraykanka ee ah in ay u dhacaan Computerrdda iyo Emaaleda wadamada Caalamka ay adeegsadaan ayaa waxaa hadana Soo baxa in Hogaamiyaasha uu Sirdoonka Maraykanka ay dhagaystaan uu ka mid yahay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud, iyadoo sidoo kale dhawaan la shaaciyay in Sirdoonka wadanka Holland ay dhagaystaan Tellfoonadda dadka Soomaliyeed ee ku nool wadankaasi .

Hogaamiyaal badan oo Caalamka ku dhaqan ayaa dhagaysiga iyo basaasnimadda uu Maraykanku ku hayo ka dhiidiyay xiriirkoodii Diplomasiyadeedna kala laabtay Maraykanka, lakiin lama oga Talaabada uu qaadi karo Madaweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxmuud mar hadii asagii Madaxweynaha ahaa la dhagaysanayo Tellfoonkiisa iskabadaa dadka Shacabka ah ama kooxa Islamiyiinta ah ee Soomaaliya ka dhisan dowladiisana ka soo horjeeda.

Shabelle