Maamulka Axmed Madoobe oo cadeeyay inuu ka baxay heshiiskii Ethiopia

0
978

HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_1Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in ay guud ahaanba ka Baxeen Heshiis ay dowlada kula galeen Dalka Ethiopia kaasi oo dhigayay in Dowlada Somalia wixii ka Dambeeya Bishan Febaraayo lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha magaalada Kismaayo sida Dakada iyo Garoonka Diyaaradaha.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Jubba Ibraahim Xasan Cabdi (Baajuun) oo hadlay ayaa sheegay in Maamulka KMG ah ee Jubba ay ka baxeen heshiiska oo ka dhacay Dalka Ethiopia 20-kii August 2013-kii waxaana uu ahaa in 6-Bilood kedib Dowladu ay la wareegto dhamaan Ilaha dhaqaalaha ee Magaalada Kismaayo.

Ibraahim Baajuun ayaa sidoo kale sheegay Shuruudaha ku Xiran in Dowlada lagu wareejiyo Ilaha Dhaqaalaha Maamulka KMG Jubba ay ku xirantahay in Maamulada kale ee ka jira Dalka ilahooda dhaqaalaha lagu wareejiyo Dowlada, maadaama uu Maamulka Jubba ka Mid yahay Maamulada Dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Maamulkooda aysan wali ka helin saamigii ay ku lahaayeen sidaa darteed iyaguna ay go’aansadeen in ay ka baxaan Heshiiskii ku aadanaa in Dakada iyo Garoonka Dowlada lagu wareejiyo.

Maanta waxay ku Aadaneyd waqtigii kama Dambeysta ahaa ee Maamulka Jubba uu Ilaha dhaqaalaha ee Magaalada Kismaayo sida Airport-ga iyo Dekadda. ku wareejin lahaa Dowlada Federal-ka ah ee Soomaaliya Ugu Dambeyna Maamulka ayaa sheegay in aysan wareejin doonin Ilaha dhaqaalaha ee Kismaayo.