Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa xaqiijiyay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maamulkaas, kaasoo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa.
Taliyaha ciidamada Maamulka Jubba Col. Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in Sarkaalka geeriyooday uu ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ciidamada maamulka, isagoo tilmaamay inuu ku dhintay qaraxa gaariga loogu xiray.
“Shalay galab ayay aheyd, gaariga uu watay ayaa qarax miino loogu xiray, mar uu marayay xaafada Siinaay meel isgoys ah ayuu gaariga ku qarxay, asiga keligiis ayaa ku dhintay, ilaaladii la socotay waa dhaawacmeen”ayuu yiri Maxamuud Qaalib.
Sarkaalka ku dhintay qaraxa ayaa magaciisa lagu soo koobay Col. Maxamed Furre, waxaana la sheegay inuu ahaa saraakiisha qaabilsanaa ammaanka magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo badanayay qaraxyada iyo dilalka, iyadoo todobaadkan gudahiis lagu dilay magaalada nabadoon caan ahaa, waxaana maalin ka hor qarax lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.
Jowhar