Madaweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmay boqorka dalka Japan

0
1057

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay boqorka dalkan Japan Akihito.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

 

XasanSheekhAndKingOfJapan20140313_2 XasanSheekhAndKingOfJapan20140313_1 XasanSheekhAndKingOfJapan20140313_3