Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Shabelle State oo lagu caleema saaray Afgooye

0
995

Munasabad ballaaran oo ay ka qeyb galeen xubno badan oo ka kala socday Bulshadda qeybaheeda kala duwan ee ku nool Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagu caleema saaray, laguna dhaariyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Shabelle State Abuukar Cabdi Cusmaan iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa shalay ka dhacday degmada Afgooye.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Maamulka degmada Afgooye, odayaal, waxgarad haween, dhalinyaro iyo saraakiisha dowladda.

Ugu horeyn waxaa munaasabada khudbad kala duwan ka jeediyay odayaal dhaqameedyo, nabadoono iyo haween ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo taageerayay maamulka Labada Shabeelle oo ah maamul ay dhisteen dadka deegaanada labada gobol ka soo jeeda.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamuud Carabey ayaa sheegay inay taageersan yihiin maamulka labada shabeelle, ayna soo dhoweeynayaan go’aanka dadka labada gobol ku gaareen inay ka tashadaan aayahooda.

Suldaanka Beelaha Awdigil Sheekh Cusmaan Maxamed Maxamuud ayaa kula dar daarmay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka inay gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana shacabkooda ka sugayaan waxqabad muhiim ah.

Qaar ka mid ah xubnihii ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Maamul Goboleedka Shabelle State loo baahnaa, si bulshadda ku dhaqan labada shabeele ay ula tartamaan maamuladda kale ee dalka Soomaaliya ka jira si loogaga faa’iideysto dhinaca wax soo saarka oo ay labada gobol qaniga ku yihiin, iyagoo xubnaha kula dardaarmay hogaanka sare ee maamulka Shabelle State inay si dhab ah ugu hawlgalaan mas’uuliyada weyn ee loo doortay.

Intii ay socotay munasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay heeso, gabayo, buraan-buro iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin labada gobol, waxaana ka dhex muuqday kooxda Shamsudiin Band oo halkaasi ku soo bandhigay heeso qiiro iyo xamaasad geliyay dadkii ka soo qeyb galay munaasabada.

Dhaarinta iyo caleema saarka kadib waxaa ka hadlay Madaxweyene kuxigeenka Maamul Goboleedka Shabeelle State Xaaji muhudiin Xasan Afrax, isagoo sheegay in wixii manta ka dambeeya ay u hawl geli doonaan si deg deg ah ayna fulin doonaan wixii ay u dhaarteen ee ahaa in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan, waxaana uu ka codsaday bulshadda qeybaheeda kala duwan inay la shaqeeyaan hogaanka la doortay.

Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State Abuukar Cabdi Cusmaan oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabada caleema saarka iyo dhaarinta ayaa ugu baaqay shacabka labada gobol inay ka shaqeeyaan nabada iyo wada noolaansho, ayna dhowraan dastuurta u degstan Maamulka Shabelle State, si loogu tallaabo horumar iyo xasilooni waarta.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa u heynaa ixtiraam iyo qadarin, waxaan la yeelan doonaa wada shaqeyn buuxda, sida uu dhigay dastuurka Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cusmaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan maamulkiisa, isla markaana ay ka dhowrayaan taageero isugu dhinaca dib u dhiska, horumarinta iyo howlaha sama falka, si gar gaar loo gaarsiiyo dadkii ku barakacay colaadaha, isagoo cadeeyay in maamulkiisa diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo ay u arkaan inay ka qeyb qaadan karaan masiirka dalka.

Jowhar

 

ShabelleStatePresident20140325_2 ShabelleStatePresident20140325_1