Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeero kala duwan ku tagay qaybo ka mid ah xarumaha maamulkaasi ee gobolka Bari, waxaana booqashadiisa ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada iyo saraakiisha ciidanka.
Dr Cabdiweli goobihii uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ahaa saldhiga Qaybta ee Gobolka Bari, Saldhiga Biyo Kulule, Xabsiga weyn ee Bosaaso iyo xerada barakacayaasha oo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo waqti hore kasoo hayaamay colaada ka jirta qaar ka mid ah dalka.
Dhamaan goobaha uu tagay ayaa waxaa Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdigiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta xarumahaasi, waxayna faah-faahin buuxda ka siiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo xaaladda guud sida ay tahay.
Dr Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, isagoo ku dhiiri galiyay shaqada ay hayaan, kuna adkeeyey inay ka shaqeeyaan xasilinta ammaanka.
Xabsiga weyn ee Bosaaso waxaa uu kula kulmay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa, waxaana la tusay qaar ka mid ah Maxaabiista loo haysto danbiyada fudud iyo burcad badeednimada, kuwaasi oo ku guda jiray xirfado si gaar ah loo baray oo ay ka mid yihiin, dhismaha guryaha, tolida dharka iyo waxyaalo kale, waxaana ku amaanay mas’uuliyiinta Xabsiga-weyn sida wanaagsan ee ay gacanta ugu hayaan dadka maxaabiista ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay xerada ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay gobolada kale ee dalka,, isagoo ka waraystay xaaladooda nololeed iyo arrimo kale.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo warbaahinta uga xog waramay kormeeradii Dr Cabdiweli ee saaka, ayaa sheegay in ay kormeeradaasi ay salka ku hayeen sidii looga dhabayn lahaa balanqaadkii uu horey u sameeyey xiligii doorashada.
Radio Muqdisho