Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa Maanta booqasho waxa uu ku tagay Buuraleyda Galgala.
C/weli Gaas ayaaa soo kormeeray deegaanada Inta badan dagaaladu ay ku dhexmaraan Ciidamada Maamulka Puntland iyo dagaalamayaasha Al Shabaab isagoo ku booriyay Ciidamada Maamulkiisa in ay sii xoojiyaan ka hortagooda qatarta Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii Geesinimadiina weeyaan waxa aan si Nabad ah halkaan ugu suganahay ee aan ugu damaashaadeyno” ayuu yiri Dr Gaas.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Muddooyinkii dambe waday Socdaallo uu ku soo kala bixinayo deegaanada Maamulkaasi.
Shabelle