Madaxweynaha Somalia :”Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka Carabta.”

0
885

Madaxweynaha Somalia oo ka qeybbgalaya Shirka Madaxda Dalalka Carabta ayaa yiri “Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka Carabta.”

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeybgalaya Shirka Jaamicadda Carabta oo Kuwait ka socda oo uu airport-ka ku soo dhoweeyey Amir-ka Kuwait, Amir Sabah Al-Jabir Al Sabah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxda Dalalka Carabtu waa inay xal waara u helaan mashaakilaadka iyo caqabadaha heysa shacabka dalalka Carabta. Waana in hay’adaheena siyaasada ay noqdaan kuwo la jaanqaadi kara qarniga 21aad oo aan horumarinaa shacabkeena si ay u helaan waxbatrasho tayo leh, oo aan la imaanaa midnimo si aan shacabka dalalka Carabta u gaarsiino horumarka ay istaahilaan.”

Madaxda Carabta ayaa ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin Syria, Falestin iyo arrimo kale.

“Waddamada Carabta waxey muhiim noogu yihiin dhanka diblomaasiyadda iyo horumarka Somalia, bacdamaa uu dalkeenu galayo marxaladda dib u dhiska iyo horumarinta Somalia. Waxaana kulamo gaar-gaar ah la qaadan doonaa madaxda kale si aan ugala hadlo dib u dhiska iyo mashaariic horumarineed oo shacabkeenu aad ugu baahanyahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Sidoo kale madaxda Carabta waxaan warbixin ka siinay dagaalka Al-Shabaab dalka looga xorreynayo iyo guulaha isdaba jooga ah. Dagaalkan ka dib waxaa noo qorsheysan sidii aan dalka uga hirgelin laheyn nidaamka dimoqraadiyeynta si shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Bacdamaa Al-Shabaab la baacsanayo waxaan si sharuud la’aan ah u soo dhoweyneynaa Soomalida qoryaha iska dhigta oo diyaarka u ah nabadeynta dalka. Waaana inaan gacmaha is qabsadaan oo aan u soo wada jeesanaa dib u dhiska dalka.”

XasanSheekhInArabSummit20140326_3 XasanSheekhInArabSummit20140326_2 XasanSheekhInArabSummit20140326_1 XasanSheekhInArabSummit20140326_4