Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kuwait ee dalka Kuwait, halkaas oo uu uga qeybgalayo shirk madaxeedka dalaka Carabta.
Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA ayaa qortay in amiirka dalkaas, Sheekh Sabaax al-Axmed al-Jaber iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kuwait ay wafdiga madaxweynaha soo dhoweeyee.
Shirka madaxda Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maalinta Talaadada ka furmo dalka Kuwait, iyadoo shirka diiradda lagu saari doono arrimaha dalalka Syria, Masar iyo Palestine.
Arrimaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah ajendeyaasha la filayo in kulanka lagu soo qaado.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa horya u joogay magaalada Kuwait.
Bar-kulan