Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo boqolaal Haween ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda tadaamun oo ka shaqeysa arrimaha horumarinta.
Munaasabadda ayaa diirada lagu saaray sida kor loogu qaadi karo waxbarashada dumarka iyo in dumarka ruuxooda lagu dhiirigeliyo waxbarashada,sidoo kale waxaa munaasabaddaas looga hadlay dumarka aan dhaqaalaha haysan in looga faa’iideeyo waxbarasho lacag la’aan ah.
Qaar ka mid ah dumarkii munaasabadda kasoo qeybgalay ayaa codsaday in hay’adaha iyo maamulkuba ay iska kaashadaan xoojinta waxbarashada haweenka,sidoo kalena lala dagaalamo caqabadaha haweenka lasoo darsa.
Haweenka oo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa la tilmaamaa inay ku hooseeyaan dhanka waxbarashada iyadoo ay taas u dheer tahay caqabado ay la kulmaan in badan oo dumarka Soomaaliyeed ka mid ah.
Radio Muqdisho