Muungaab oo awood aad u saraysa la siiyay – maxay tahay sababta

0
1021

Muungaab20140227Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa wax weyn ka bedeshay hanaanka Maamuleed ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay xilligaan awood cusub siisay Madaxa Maamulka Gobolka Banaadir.

General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa xaq u yeeshay in ay hoos yimaadaan Talisyada Nabad Suggida iyo Booliska ee Gobolka Banaadir.

Booliska & Nabad Suggida, ayaa si toos ah waxay kaga amar qaadanayeen Wasiirka Wasaarada ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo maanta kadib la meel mariyay inaanay ka sii amar qaadan doonin.

Tani, ayaa waxaa looga gol lee yahay sidii uu Gudoomiyuhu ula socon lahaa dhaq dhaqaaqyada iyo hawlgalada, ay fulinayaan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, ee ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa la imaan doono isbedelo waaweyn, oo markaasi cagta cagta loogu saaraayo ragga ka tirsan Amniyaadka Ururka Al Shabaab, ee weerarada qorsheysan ka fulinaaya Magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka iyo Garsoorka, ayaan xilligaan kadib sii dayn doonin ragga lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, iyadoo aan wax fasax ah laga helin Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Tallaabadaan waxay u muuqdaa mid xilligaan wax weyn loogu bedelaayo xaalada amni ee Magaalada Muqdisho oo noqotay mid faraha ka sii baxeyso.

Muddo toddobaad gudahiis ah, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay laba weerar oo waaweyn, oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, waxaana masuuliyada weeraradaasi sheegtay Ururka mayalka adag ee Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa muddooyinkaanba quus ka muujinaaya ammaanka Magaalada Muqdisho, markii ay Dowladdu horey u qaadi kari weyday qorshayaal looga hortagaayo weerarada Shabaabka.

Col. Maxamed C/laahi Dhaqane oo ka mid ahaa Saraakiisha Dowladdii Dhexe ee Kacaanka iyo Saraakiil kale, ayaa horey u soo jeediyay in qorshaha maanta la qaatay la hirgeliyo intii uu Tarsan xilka haayay, laakiin aad mooddo in Dowladdu ay xilligaan uun ku soo baraarugtay.

Warkii