Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay qorshihiisa dhinaca ammaanka ee magaalada Muqdisho, iyadoo habeen hore magaalada ay qaraxyo hoobiyeyaal ka dhaceen.
Jen. Muungaab oo horay u ahaa Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada ayaa sheegay in isagoo adeegsanaya qibradii uu ka helay shantii sano ee uu Maxkamada ciidamada qalabka sida uu abaabuli doono ciidamada booliska iyo nabadsugida si ay u xaqiijiyaan ammaanka caasimada.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in saddexda bilood ee soo socota la arki doono is bedelo la taaban karo oo dhinaca amniga ah, waxaana uu xusay in dib u habeyn, taakuleyn iyo mushaaraad joogto ah ay siin doonaan ciidamada ammaanka.
“Mas’uuliyada iga saaran ammaanka Caasimada waa ahmiyada koowaan, shaqooyinka la iga doonayo waxaa ka mid ah sidii nabadgelyada caasimada loo sugi lahaa, wadada aan u marayana waa in aan ciidamada booliska iyo nabadsugida ku sameyno dib u tayen xaga maamulka iyo ciidan ahaan, inaan dhamaan 16-ka degmo ka howl gelino”ayuu yiri Muungaab.
Mar uu ka hadlay howl galada ayuu sheegay in wax badan ka bedeli doonaan qaababka howl galadu u dhacaan, isagoo tilmaamay in arrintaas uu ka leeyahay qorshe gaar ah.
“Waxaa dib u saxeynaa howl galada booliska iyo nabadsugida ka sameeyaan magaalada, marka howl gal la sameynayo waa inuu noqdaa mid bartilmaameed ah oo war xooraansi la helay oo hebel iyo hebel meel uu joogo la og yahay lagu qaado howl galka”ayuu yiri Mr Muungaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada la sameynayo ay hogaamin doonaan dad khubaro ah oo aqoon u leh dadka la raadinayo, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada amniga iyo shacabka uu ka dhex sameyn doono abaabul sidii ay u wada shaqey lahaayeen.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Muungaab ayaa waxaa hor-yaala howlo culus oo ay ugu weyn tahay ammaanka, waxaana dhowrkii todobaad u dambeeyay ka dhacayay magaalada weeraro iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.
Jowhar