Wararka laga helayo Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta halkaasi Kooxo hubeysan ay Dileen ku dhawaad 8 oday dhaqameed oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
8 Oday ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen Magaalada Baydhabo islamarkaana ay ku wajahnaayeen Gobolka Sh.Hoose kuwaasi oo Dabley hubeysan ay ku Dileen Masgaalada Buurhakaba gaar ahaan Buunda Degmada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaashan ay ka mid ahaayeen Ergadii ka qeyb gashay Maamul u sameynta 6 Gobol ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Sidoo kale Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kooxihii hubeysanaa ay qaateen Gaari Keerib ah oo ay saarnaayeen Odayaashan gelinkii dambe ee maanta lagu layaay Buudada Magaalada Buurhakaba.
Waxaa ilaa iyo iminka aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa Dilka Odayaashan ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo iyadoona aysan jirin cid ka hadashay Dilkooda.
Shabelle