Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay aaska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec

0
1088

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay aaska marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaan caana ah oo si weyn looga yaqaano dalka, kaasoo u geeriyooday xanuun asiibay.

Meydka Marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyadoo sidoo kalena ay diyaarada ku wehliyeen qaar ka mid ah qoyska marxuum Tubeec, waxaana salaada Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, Wasiirka Duulista Hawada Siciid Qoorsheel, Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir kuxigeeno, Fanaaniin, Abwaano iyo taageerayaal kale.

Aaska kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u duceeyay Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuuna alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, janadiisana geeyo.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaankeena qaaliga ah. Tubeec waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta hal doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh.

 

DuugtaMaxamedSuleyman20140316_2 DuugtaMaxamedSuleyman20140316_1 DuugtaMaxamedSuleyman20140316_4 DuugtaMaxamedSuleyman20140316_3