R/wasaaraha iyo wafdi Uuu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxy Adis Ababa

0
1180

AbdiweliInDjibouti20140216_1R/wasaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shirka wadamada urur goboleedka IGAD.

Safarka R/wasaaraha ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeybgalka shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD kaas oo ka dhici doona magaalada Adis’ababa.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda urur goboleedka IGAD iyo qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan dalka Ethiopia.

R/wasaaraha ayaa lagu wadaa in madaxda IGAD uu u bandhigo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada, kaas oo ay ka qeybqaadanayaan ciidamo ka socda wadamada deriska ah oo ka tirsan AMISOM.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa filayaa in uu IGAD hordhigo qorshihiisa ku aadan wajiga Labaad ee lagu xasilinayo nabadda, kadib marka la soo gebagebeeyo howlgallada hadda bilowday ee dalka looga xoreynayo Shabaab.