Sacuudiga oo Xoolo laga dhoofiyey dekada Berbera dib ugu celiyey sheegayna in ay xanuunsanyihiin

0
1685

Geela20140319Dalka Sucuudi Arabia ayaa dib ugu soo celiyey magaaladda berbera laba kun iyo shan boqol oo Neef oo Geel ah, kuwaas oo saaran markab la yidhaahdo Tayba oo Geel iyo Adhi ka qaaday dekedda Berbera dhowr todobaad kahor .waxaana la sheegay in arigii saarnaa Markabka ilagu dajiyey Dalka Sucuudiga kadib markii baaritaankiisa la xaqiijiyey, balse sida la sheegay geelii saarnaa markabka laga helay xanuun lagu sheegay Buruseelaha.

Cali Maxamuud Guuleed oo ah Dhakhtarka wasaaradda Xanaanada Xoolahaee maamulka Somaliland u qaabilsan Maxjarka Berbera ayaa u sheegay qaar kamid ah warbaahinta Somaliland in Markabka Tayba lagu soo celiyey Geelii saarnaa isla markaana ay ka heleen Maxjarka Sucuudiga qoraal ay ku sheegayaan in baaritaan ay ku sameeyeen geelaasi ay ka heleen 2% laba in ka badan oo ka mid ah Geelaasi xanuunka Buruseelaha.

Dr: Cali waxa uu sheegay sida jawaabta Sucuudiga ka muuqata in labadii boqol ee Geel ahba shan ka mid ahi ay qabaan xanuunkaas hase yeeshee waxa uu ku dooday in mararka qaarkood uu xanuunkaasi soo baxo inta uu geelu ku jiro Markabka ee uu badda ku sii jiro.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee somaliland Dr: Cabdi Aw Daahir ayaa u ambabaxay magaaladda Berbera si uu u hubiyo xanuunka lagu soo celiyey Geelaasi maadaama Dalka Sucuudigu soo celiyey.Lama oga halka uu maamulka Somaliland uu saari doono dhaliisha arrintan maadaama Maxjarka Berbera masuuliyadiisu tahay in uu baaro oo xaqiijiyo Caafimaadaka Xoolaha dhoofaya.

Sidoo kale waxaa u ambabaxay xalay magalaada berbera Ganacsatadii lahayd xoolaha iyo masuuliyiin kale oo ka socota wasaarada xanaanada xoolaha si ay u hubiyaan sida wax yihiin iyo sababta xoolo bukaa si fudud uga gudbeen Maxjarada berbera inkastoo dhakhtarka qaabilsan xoolaha ka dhoofa maxjarka berbera uu sheegay inay dhicikarto in inta xooluhu ku jiraan badda ay xanuuno kala duwani asiibikaraan.

Warkii