Saxafiyiin dowladda Ethiopia ka dalbaday in ay sii deyso Wariye Boqorka Bartamaha

0
1035

AbdiweliAndJournalists20140308_2Qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howl gala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay ka xun yihiin Xariga loo geystay Wariye Max’ed Aweys Muudeey ( Boqorka Bartamaha ) kaas oo Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ay ku xukuntay ku dhawaad 30 sano oo xarig ah.

Max’ed Nuur Shariifka oo ka tirsan Wariyayaasha ka Howl gala Magaalada Muqdisho ayaa isagoo u warramaya Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in ay tahay wax laga Xumaado Xariga Wariyaha isagoo ugu baaqay dowladda Ethiopia in si Shuruud la’aan ah ay ku sii daayaan Saxafigaasi Soomaaliyeed.

Faarax AP oo isna ka mid ah Saxafiyiinta ka howl gala Muqdisho ayaa tibaaxay in Xariga Saxafigaan ay aad uga xun yihiin islamarkaana loo baahan yahay in ay dowladda Ethiopia dhowrto Xuquuqda Madaxbanaanida iyo Xuriyadda isagoo sheegay in Boqorka Bartamaha xarigiisa iyo xukunka ku dhacay intaba uu yahay mid sharci darro ah.

Si kastaba dhawaan ayaa kulan Saxafiyiinta Muqdisho ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda waxa ay kaga dalbadeen in kaalin ay ka geystaan sii deynta Saxafigaasi.

Shabelle