Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Max’ud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerar Kolonyo AMISOM lagula qaaday Inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Dhanka kale Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Al Shabaab ay ka dambeeyeen dil Sarkaal Maamulka Puntland ka tirsan loogu geystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kaas oo lagu Magacaabi jiray Jaamac Afgaduud.
“Weerarkii shalay aanu ku qaaday Gawaarida AMISOM waxaanu ku dilnay Saraakiil AMISOM iyo Maraykan isugu jirta” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Ururka Al Shabaab.
Si kastaba weerar loo adeegsaday Gaari Walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Calamada kaas oo lala Bartilmaamsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.
Shabelle