Shirkii saddexda gobol ee Baydhabo ka socday oo Madaxweyne lagu doortay

0
914

MaxamedXaajiCabdiNur20140327Ergadii ku shirsanaa magaalada Baydhabo ee u fadhiyay Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda gobol ayaa waxay doorteen Madaxweynaha Maamulkaas, iyadoo arrintan ay sii xoojineyso xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka saddexda gobol ayaa loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kadib doorasho ka dhacday Hotelka Bakiin oo ay ergadan xarun u aheyd.

723 Ergo oo ka kala yimid saddexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa doortay Madaxweynaha cusub 713, halka 10 ay diiday, waxaana sidaas uu ku dhawaaqay Gudoonka doorashada Maamulka in Maxamed Xaaji Cabdinuur uu yahay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in markii la doortay Hogaamiyahan ayaa isla goobta lagu dhaariyay, waxaana siyaasigan la sheegay inay isku hooyo yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Xaaji Cabdinuur Hogaamiyaha Maamulka saddexda Gobol ayaa ka soo jeeda Gobolka Bakool, waxaana ay isku heyb yihiin Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xubnaha taageersan Maamulka lixda gobol.

Maamulkan saddexda gobol ayaa ah Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, halkii maamulkii horay looga dhawaaqay Baydhabo uu ka ahaa lix gobol oo lagu daray saddexdan Gobol iyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Afartii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka jiray banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Doorashadan ayaa ah tii labaad oo ka dhacda magaalada Baydhabo, waxaa horay loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee lixda Gobol.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa saakay ah mid degan, iyadoo ammaanka goobta doorashadan ka dhaceysay ee Hotelka Bakiin ay sugayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Jowhar