Maxkamadda sare ee magaalada Cape Town ayaa xukunno waqtiyo kala duwan ah ku ridday Saddax nin oo ka tirsanaa kooxaha burcadda ah ee dilalka iyo dhaca u geysta muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika.
Sadexda nine e la xukumay ayaa waxaa labo ka mid ah lagu xukumay 25 Sano oo xarig ah halka midka Sadexaadna lagu xukumay 30 Sano kadib markii lagu helay dembi la xiriira dilal ay u geysteen muwaadiin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa gobolada Westren Cape Iyo Eastren Cape, waxaana maxkamadeyntooda ay socotay muddo Labo Sano ah, ayada oo ugu dambeyntiina loo helay marqaatiyaal ku cadeeyay dambiga loo heystay.
Jaaliyadda magaalada Goarge ee uu hogaaminayay Sheekh Saciid iyo Jaaliyadda Magaalada Cape Town ayaa dadaal dheer u Galay In ragaan lagu rido xukun dheer oo ciqaab ugu filan, waxaana halkaasi mahad celin loogu jeediyay Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Cape Towm sidii ay u muujiyeen dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixiyeen sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadka dhibaatada u geystay.
Gudoomiyaha Save Somali Community ee Dalka South Africa Yuusuf Cumar Axmed oo marka ay maxkamaddu soo dhamaatay kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in tani ay cashar u tahay in wax laga qaban karo dadka dhibaatooyinka u geysta Soomaalida ku nool dalkaasi.
Tani waxa ay muujineysaa in sharciga dalka Koofur Afrika uusan ku Jiifin Dadka qaxootiga ah haddii ay xoogga saaraan kiisaskooda isla markaana ay dabagalaan dacwadaha looga furo saldhig yada Boliska marka dhibaato loo geysto ay ugu dambeyntii ku guuleysan doonaan.