Tallaalka cudurka dabaysha oo ka billowday Galgaduud

0
851

Talaal20140323_1Tallaalka cudurka dabaysha ayaa maanta ka billowday degmooyinka ka madax bannaan kooxda Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Degmooyinka Dhuusamarreeb, Cadaado, Caabudwaaq, Balambal, Guriceel iyo deegaannada hoos yimaada ayaa laga billaabay tallaalka, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyey madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ee gobolka Galgaduud, Cabdullaahi Maxamuud Maalin.

Wuxuu sheegay in hay’addu ku talagashay in tallaalka ay ka faa’iidaystaan in ka badan 100,000 oo ka tirsan carruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano ee ku nool gobolka Galgaduud.

Maalin ayaa ka codsaday waaliddiinta inay la shaqeeyaan howlwadeennada tallaalka oo tagi doona guri kasta, wuxuuna ku boorriyey in tallaalka dabayshu ahmiyad weyn u leeyahay mustaqbalka caafimaad ee carruurta iyo guud ahaan kan bulshada.

Tallaalka dabaysha ee maaanta ka billowday Galgaduud oo socon doona saddex maalmood ayaa ah wejigii labaad ee sanadkan, iyadoo wejigii horena la fuliyey maanta oo kale, bishii February ee sanadkan.

Bar-kulan