Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo gaaraya illaa 410 Askari oo gaar ah ay u soo direyso Magaalada Muqdisho.
Korneel Paddy Ankunda Afhayeenka Ciidamada Uganda oo u warramayay Wargeyska la yiraahdo World Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka aaa sheegay in in Ciidamadaan ay yihiin kuwa loogu tala galay in ay sugaan Amniga Xarumaha qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaa ee Aadan cadde.
Ankunda ayaa ku nuux nuuxsaday in Ciidamadaani ay yihiin Kuwa ka Madaxbanaan Howl galka Nabad Ilaalinta ah ee AMISOM ee isagu ka soconaya gudaha dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Korneel Cali Aadan Xumud Afhayeenka AMISOM ayaa dhankiisa sheegay in Howl galka AMISOM aanu wax shuqula ku lahayn ama aan ku qoondo aheyn Ciidamada Uganda ay u soo direyso Soomaaliya.
Shabelle