Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Buulo-Burte

0
1018

Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood ayaa maanta gaaray degmada Buulo-buurte ee gobolka Hiiraan oo dhowaan laga xoreeyay maleeshiyada al Shabaab.

Xubnaha wafdigan oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuna laabtay isla Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Cumar Katiliyoone oo ah la taliyaha guud ee Q.M u qaabilsan dhinaca ammaanka Somalia,iyadoo garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burte ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka DFS.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Hiiraan, Khaliif Cabdi Cumar oo ku sugan Buulo-burte ayaa radio Bar-kulan u sheegay in u jeedka wafdigan ay aheyd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda amni ee degmada iyo sida gargaar loo gaarsiin karo dadka ku dhibaataysan Buulo-burte.

Wuxuu intaa ku daray in kulan ay wada qaateen maamulka degmada iyo xubaha wafdiga la isku afgartay in hay’adaha UN-ka ay kaalmo deg deg ah la gaaraan dadka ku dhibaataysan goobaha laga xoreeyay kooxda al Shabaab.

Tan iyo markii maleeshiyada Shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa soo badanaysay qeylo dhaanta ka soo yeeraysa dadka ku nool magaalooyinkaasi.

Buuloburde