Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Beeraha oo u ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe

0
929

JowharWafdi uu horkacayo wasiirka Beeraha ayaa maanta u amababaxay degmada Jowhar si ay ugu kuurgalaan xaaladda ay ku suganyihiin beeraleyda gobolkaasi.

Wasiirka Beeraha mudane Cabdi Axmed Baafe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay u kuurgelidda xaaladda wax soo saar ee beeraleyda gobolka Sh/Dhexe maadaama lagu jiro xilligi beerashada Guga.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in ay qiimeyn kusoo sameyndoonaa baahida Beeraleyda iyo qasaaraha ay u geysatay fatahaaddi webiga si ay wasaaraaddu wax uga qabato, isagoo xusay in ay soo eegi doonaan meelaha uu webigu ka soo ka tafaho ama ka biyo keeno.

Wasiirka ayaa tilmaamay in sidoo kale uu booqan doono gobolka Sh/Hoose kadib marka uu soo dhameysto booqashada uu maanta ugu ambabaxay gobolka Sh/Dhexe, maadaama labada gobolba ay qani ku yihiin wax soo saarka Beeraha.

Radio Muqdisho