Wafdi Wasiiro ah iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo todobaadkii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka mid noqday.
Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Xudur ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Bakool, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo kulamo albaabada u xiran yahay wada qaatay.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Axmed Tool ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in degmada Xudur ay soo gaaraan wafdi ka socda dowladda, kadib markii laga saaray Al-Shabaab, isagoo ka codsaday dowladda in gar gaar la soo gaarto dadka ku dhaqan degmada.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in degmada ay xor noqoto, waxaana uu ugu hambalyeeyay 7-sano guuradii ka soo wareegatay markii degmada Xudur laga saaray Al-Shabaab oo aheyd 17-kii Maarso sanadkii 2012, hase ahaatee sanad kadib ay dib ula wareegeen.
C/llaahi Goodax Bare Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in guul iyo farxad u tahay in maanta ay joogaan Xudur, isla markaana ciidamada ay howl fiican qabteen, waxaana uu balan qaaday in degmada laga hirgeli doono adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada.
Wafdigan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee taga Xudur, tan iyo markii todobaadkii hore Al-Shabaab laga saaray, sidoo kale Xukuumada ayaa dhowaan sheegtay in wasiiro u diro doonto goobaha laga saaro Al-Shabaab.
Jowhar