Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed wareegiisa 141-aad , kaasoo gelinkii dambe ee maanta la soo gaba-gabeeyay.
Kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa waxaa loogu gogol xaarayay Shir madaxeedka hogaamiyaasha carbeed wareegiisa 25-aad oo ka socon doona Caasimadda Kuwait maalmaha 25-26 March.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulankaasi khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto taageera maaliyadeed iyo mid milatari oo dhameystiran oo suuragelin karta tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa ugu baaqay wadamada carabta inay kaalin muuqata ka cayaaraan howlaha horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya , isagoo ku booriyay inay dib uga furtaan Caasimadda Muqdisho safaaradihii ay ku lahaayeen.
Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxaa ka horeeyay fadhi ay yeesheen Safiirada iyo ergada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya uu kulankaasi uga qeyb galay danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna ergeyga joogtada ah ee u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud.
War murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed ayaa waxaa ay ku qireen taageeridooda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa mudadii uu shirka ka soconayay Magaalada Qaahira, waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Kuwait Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil El Araby , Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Masar Nabil Fahmy, Iraq Hoshyar Zebari, Sultanate Oman Yusuf Bin Alawi ,Comoros Dr. Al-Arif Sayed Hassan, Morocco Salahuddin Mizwar, Algeria Ramadan Lamamra, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Bahrain Ghanim bin Fadhl Al-Buainain , danjirayaal iyo wakiilada hey’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee shirkaasi lagu cazuumay, waxa uuna kala hadlay taageerida hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si dowladdu ay ugu guuleysato hindisaheeda horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.