Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo maanta qasriga Al-Yamamah ee ku taala magaalada Riyadh kula kulmay dhaxalsugaha ahna ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul-Casiis Aala Sacuud, kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.
Labada mas’uul waxaa kaloo ay ka wada hadleen sidii boqortooyada Sacuudiga ay u sii wadi lahayd taageerada la siinayo shacabka iyo sidii loo kordhin lahaa mashaariicda dib u dhiska ah ee ay Sacuudiga ka geysanayso dalka.
Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay dhigiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga uu ku soo idlaaday is afgarad, isagoo xusay in ay balan qaadeen dib u dhiska dalka.
kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxa abaanduulaha guud Xuseen Bin Cabdullaahi Al-Qabil, Taliyaha ciidanka circa Fayad bin Xaamid Al-Ruwaili, ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Fahdi bin Maxamed Al-Ciisa.
Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Axmed Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali Maxamed iyo u qeybsamaha Safaaradad Soomaaliya ee dhanka Militeriga Gaanshaanle sare Cabdi Xasan Maxamed.
Radio Muqdisho