Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Guuleed oo iska fogeeyay eedeyn ka soo yeertay Tarsan

0
893

CabdikarimGuleed20131222Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay war ka soo yeeray Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ahaa gaadiid ambalaas ah nuuca aan xabadaha karin in aan la ogeyn meel ay jiraan, kadib markii ay la wareegtay Wasaaradii Arrimaha Gudaha Xukuumadii Saacid.

C/kariin Guuleed oo ka hadlayay barnaamij dood wadaag oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa xaqiijiyay in gaadiidkaas ambalaaska oo 7-gaari ahaa uu wali ku jiro gacanta hey’adaha ammaanka dowladda, isagoo xusay in sababo amni awgeed gacanta loogu haayo, kadib go’aan ka soo baxay Xukuumadii hore oo ahaa in baabuurtaas oo aan xabad karin aanay ka bixin gacanta dowladda.

“Maalin dhoweyd markii xilka ay kala wareegayeen Gudoomiyihii hore iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir hadalkii uu meesha ka sheegay Tarsan wuxuu yiri Baabuur ambalaasyo oo loo keenay dadweynaha in lagu caawiyo ay la wareegtay wasaarada Arrimaha Gudaha ee aan aniga xilligaas hayay, marka arrintaas waa jirtaa 7-baabuur ambalaas ah, waxaana go’aan ku gaaray xukuumadii xilligaas jirtay in baabuurtaas anay dibada u bixin waana heynaa”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in go’aanka la gaaray uu ahaa in baabuurtaas aanay gacanta ka bixin, si loogu adeegsado falal is qarxin ah.

“Gaadiidkaas maadaama aaay xabad karin, askariga irida taagan haduu xabad ku joojiyo gaadiidka uusan ku celin karin, baabuurkana waxyaabaha qarxa la soo saaro oo qarax lagu fuliyo, taas darteed ayaana hey’adaha ammaanka kula wareegeen sababo amni awgeed”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan ayaa Talaadadii la soo dhaafay ka sheegay munaasabad uu xilka ku wareejinayay Gudoomiyaha cusub Muungaab in arrin uu muddo qarinayay oo ahaa gaadiid ambalaas ah oo hey’ad ugu deeqday ay la wareegtay Wasaaradii Arrimaha Gudaha, isla markaana aan meelna lagu sheegin gaadiidkaas.

Jowhar